Monday 18 April 2016

Dhibaatada Tahriibka ma loo taag waayay?

Tahriibku(Illegal immigration)waa hayaanka ay dad ku galaan safar aanay ruqsad uga haysanin dalka ay doonayaan in ay tagaan .Waa iyada oo la qaado wado qar-dadeex ah si loo baal maro shuruucda socdaalka ee uyaala galitaanka dalkaasi.Si kale haddii loo dhigo waa qofka oo qaab koontarabaan ahaan ah ku gala dal shisheeye oo uu ka raadsanayo nolol iyo dhaqaale ka wanaagsan midka uu dalkiisa ku haaysto.
Safarkaasi oo bad,barri iyo cirba leh waxaa lagala kulmaa dhibaatooyin silic iyo saxariirba huwan oo isugu jira dhac,kufsi,xabsi,dhimasho iyo wax kastoo mashaqo ah.Laakiin waxuu qofka tahriibaha ahi maanka ku hayaa oo kali ah fursadaha uu heli karo kadib tahriibka waxuuna iska indho saabayaa khatarta ku gadaaman falka tahriibka.Inta badan waxaa dadka tahriibiya kooxo dambiilayaal ah oo loo yaqaano muqalasiin kuwaas oo ka ganacsada ladhuumaalaysiga dadka(Human Trafficking).
Maxaa Sal u ah Tahriibka?
Waxaa jiro qodobo dhowr ah oo la isku raacsanyahay in ay sal u yihiin tahriibka,waxaana ka mid ah kuwan hoos ku xusan:-
1.Dhaqaalo-xumida:Isu-dheelitir la'aanta xagga dhaqaalaha ah ee ka dhex jirta dadyowga wadamadoodu horumareen iyo kuwa saboolka ah amaba soo koraya waxa ay sababtay in dad badan tahriibka ku dhiiradaan iyagoo yoolkoodu yahay helitaanka nolol iyo dhaqaale ka wanaagsan mida ay dalalkooda ku haaystaan.Qofna ma dafiri karo farqiga udhaxeeya nolosha taalla wadamada saboolka ah amaba soo koraya iyo kuwa dhanka warshadaha ku horumaray.Tusaalaha ugu habooni waa qaacida ah xariiqa saboolnimda(povert line)oo ah mid lagu kala saaro dadka nolosha wanaagsan haaysta oo intooda badan kunool wadamada galbeedka iyo kuwa liita oo kusugan wadamada Afrika iyo Aasiya.
2.Nabad-gelyo la'aanta:Ammaan darida ka jirta wadamo badan oo caalamka ahi waxa ay qeyb weyn ka qaadatay jiritaanka tahriibka.Dad badan ayaa ka tahriiba dalalkooda iyaga oo ka baxsanaya dagaalada iyo colaadaha ka aloosan dhulkooda hooyo.
3.Shaqo la'aanta:Maqnaanshaha fursado shaqo oo dadku ay noloshooda ku dabartaan waxa ay horseedaa in dadku tahriibka door bidaan waayo waxa ay maanka ku haya jiritaanka dalal ay ka heli karaan shaqooyin iyo dhaqaale ay naftooda ku maareeyaan.
4.Cadaadiska siyaasadeed:talisyada iyo nidaamyada cadaadiska badan ee bulshadooda aan u nixin ulana dhaqma si banii-aadanimada ka baxsan iyagoo u diidaya xuquuqahooda aas-aasiga ayaa iyana ka mid ah waxyaabaha sii kordhinaya tirada dadka tahriibaya ee wadamadooda ka tagaya.
5.Isku raranka dadyowga(Over population):badnaasha tirada dadweynaha ee dal ku nooli waxay cidhiidhi galiyaan fursadihii nololeed ee ay dadku heli lahaayeen,tasi oo ugu dambaynta keenta in bulshada qaar ka mid ah bananka ku soo dhacaan kuna dhaqaaqaan falka tahriibka si ay ugu firxadaan meel u dhaanta halkan lawada dhoobanyahay.
6.Musu-maasuqa iyo maamul-xumida:Musuq-maasuqa iyo maamul-xumida ka jirta wadamo badan oo aduunka ahi waxay kalifeen in dad badan tahriibaan iyagoo la goosanaya hantidii dadweynaha ee lagu aaminay.Dadkaasi waxa ay utahriibayaan waa iyaga oo aan rabin in ay sifo sharci ah ku baxaan maadaama ay taasi keeni karto in dadweynuhu ogaado dhaca iyo boobka ay hantidoodii ugeysteen.Si ay taasi uga bad-baadaan ayay kooxdani si dhuumaalaysi ah uga tahriibaan wadamadooda.
Dhibaatada Tahriibka maxaa xal u ah?
Dhibaatada tahriibka ma ahan mid waqti kooban iyo si fudud midna lagu xalin karo ee waa arin ubaahan qorshe tiiro dheer(Long range Plan).Waayo tahriibku waxa uu qeyb ka noqday dhaqanada bulshooyinka qaar.Waxuu gaadhay heer uu noqdo nooc ka mid ah ganacsiga caadiga ah oo ay dad badani hanti ka sameeyaan noloshoodana ku tiirsanaato.
Waxaa usamaysan shabakado ganacsi oo isku xidhan lehna dhamaanba tasiilaadkii ay ubaahnaayeen,hadday ahaan lahayd gaadiidkii,isgaadhsiintii,xawaaladihii,xayeysiintii ,saraakiishii dowlada iyo waliba farsamayaqaanadiiba.waxuu gaadhay ilaa uu noqdo dab isu-dhiib oo lakala dhaxlo,kii shalay soo tahriibay ee dhibka iyo qaxarka soo maray baa berito ku kale jidka soo galinaya.Waxuu yeeshay magacyo badan oo uu kamid yahay is-xambaarkaWaxuu ku faafay dunida oo dhan waana yar yahay amaba ma jiro dal aan laga hadal haynin tahriibka.
Taasi waxa ay sababtay in loo caal waayo oo dowlado iyo qaarado dhami ay si kasta hadday yeeleen maareyn kari waayeen.Tusaale reer yurubku si kasta oo ay yeeleen iyo dadaal walba oo ay muujiyeenba waa ku guul daraysteen inay xakameeyaan qul-qulka tahriibayaasha ka imaanaya qaaradaha aasiya iyo afrika ee baddaha ka soo talaabaya si ay mar un cagta ula helaan qaarada yurub oo ay aaminsanyihiin in ay tahay janno aduun.
Sidoo kale Maraykanka oo ah quwada 1aad ee aduunka waxuu sanadkii 1848 dhisay xadka uu mexico lawadaago si uu uga hortago dadka sharci darada kusoo galaya dalkiisa.Balse ilaa iyo haatan kuma guulaysanin inuu joojin iskaba dhaafe yara hakiyo kaliya dadka mexican ah ee derbiga kasoo boodaya si ay maraykanka usoo galaan.
Ugu dambayn,Xalka ugu haboon ee lagula dagaali karo, islamarkaana meesha looga saaro karo tahriibka iyo dhibaatada ka dhalata waa iyadoo la helo qorshe cad oo lagu zuulinayo sababaha markii horeba keenay inuu tahriibka bilaawdo.Waa shaqo culus oo u baahan ka qaybgal guud iyo go'aan qaadasho rasmi ah.ma ahan arin ay koox gaar xal kagaadhi karto.Gaar ahaan innaga soomaali ahaan waxaan ubaahanay dadaal dheeraad ah,daacadnimo iyo hogaan haboon si aynu uga guulaysano khatarta tahriibku inagu hayo.

Raad-raac:https://en.wikipedia.org/wiki/Illegal_immigration







No comments:

Lawadaag Axsaabtaada kale.