Saturday, 7 November 2020

Latalinta Taageerayaasha Tacadigii TPLF

Kudhawaad 30 sano oo ay Jabhadda TPLF majaraha uhaysay talada dalka Ittoobbiya waxaa deegaanka Soomaalida ka dhacay tacadiyadii ugu badnaa iyo ku tumaahadii sharciga ee abid soo marta dadka deegaanka Soomaalida.Waxyaabaha aan marnaba maanka kabixi karin Waxaa kamid ah;-Meyd magaalada badhtankeeda inta lasoo wadho oo gaadhigii uu kudaba xidhnaa laga furo dadka lagu khasbo in ay udaawasho tagaan waliba udiirnixid iyo damqasho iska daaye laga dalbanayay in ay ku dul dhaanteeyaan afka laad kala dhacaan.Hadda ogoow qofka sidaasi layeelayaahi waa mid lawada garanayo oo waliba ehelkiisii iyo asxaabtiisii ay kamid yihiin kuwa lagu addoonsanayo in ay inkiraan oo aflagaadeeyaan asturnaan iyo iilkana udiidaan.


Siguud dadku waa ay xabisnaayeen oo xitaa qofka safar gaaban galayaahi waxaa qasab ahayd inuu waraaq fasax ah qaato kolka uu soonoqdana Qabaleega iyo Saldhiga booliska iska diiwaan geliyo.Dad baa loo diiday in ay kusoo sabraan ehelkoodii oo mayd ah oo ay aastaan.kuwa ayaa laga xarrimmay in ay xadka katallaabaan oo ay dunida kale kasoo danaystaan.Qaar badan oo kuwii ugu aqoonta iyo waaya aragnimada fiicnaa ee ummadda anfici lahaa ay kamid yihiina waxa lagu qasbay in ay qaxaan oo qaxootunimo qurbaha ku joogaan,waliba waa looga daba tagay oo dibnahooda  waxa laga dhowray in ay ku sheegaan dabuub kasta oo dayaca,dulmiga iyo diihaalada dadkooda lagu hayaahi ka doodaan maxaa wacay haddii ay sidaa sameeyaan waxaa uqoolan oo qoorta loo sudhi qoyskoodii iyo qaraabadoodii ay dalkii uga soo tageen.

Kuwii xabsiyada galay iyagu xaalkoodu maba ahan mid laga xogwarammi karo oo qoraal iyo qalin toona looga sheekayni karo.Si guud haddii looga hadlana waxkasta iyo noocwalba oo ciqaab iyo cinaad ah ayaa loo geystay, kuwa badani waa ay ugod galeen,Qaar baa lixaadkoodii kulumiyay,Inbaa iyaga oo waalan oo aan waxba kala ogayn lagasoo saaray in yar oo kamid ahi ayaa ugu yaraan iyaga oo garbaha lahayo ama gaadiid saaran kasoo baxay oo wali daaweyn iyo dabiibid lagu daba wadaa waase ay nasiib badan baa la odhan karaa marka loo eego intii kale ee iyagu aakhiro uhoyday ama aan la arag oo ilaa iyo imminka aan la ogayn meel lala aaday.

Iyada oo ay arini sidaa tahay waxaa ayaan daro kale ah in inbadan oo inaga mid ahi ay maanta u ooyayaan oo aaro-aaro u yihiin kuwii sidaa inoo galay oo haatan gurub sanaya waxii ay galabsadeen iyo godobtii ay galeen.Kuwa sidaa yeelayaahi laftoodu waa ay ogyihiin TPLF iyo waxa ay tahay ee waxa ay isugu jiraan qaar uu hunguri qaaday oo qandaraas ama qaabilaad ay ka waayeen qolada haat an xukunka haysa ay kuqaaday in ay uqiil dayaan oo u doodaan dadkii shalay dulminayay oo ee sidaa uduleeyay.

Waxaa kale oo iyana jira kuwa aanay garashadu ukala go’in oo aan awoodin in iyaga oo Abiy Axmed iyo Amxaaraba neceb naruurana aan ka filaynin haddana in ay ugu yaraan ku wiirsadaan oo ku bagabagaystaan qoladii shalay sidaa u qaribtay ee uqatashay waxaana ayna u arkaan in haddii ay taageeraan tallaabada Milatari ee TPLF laga qaadayo ay tahay in ay Amxaaro iyo Abiy Axmed oo ay usacaba tumeen balse waxa ayna ogayn in qofka aad necebtahay qudhiisa lagu danaysan karo oo waxii adiga anfac kuu ahi loo adeegsan karo.

Sikasta oo ay ahaataba TPLF maanta talo waa ku ciirsan tahay,tabar sidaas ah mahayaan tol iyo cid ay canceeno ugaleen oo maanta usoo gurmanina majirto oo qof walba oo garashadiisu fayoowdahay waxii ay ugeysteen baa umuuqda kuwa aan sidaa wax u arkina iyaga unbaa taariikhda iska xummeeynayee waxba una tari karaan, waxaana ay kudanbayni doonaan qoomamo iyo qiil dayasho marka ay xaqiiqsadaan in qoomkaasi TPLF tagtay oo xukunka qummaati looga tuuro.Waxaana haatan aan kula talin lahaa in ayna garab iyo gaashaan unoqonin kuwii shalay gummaaday maantana haddii ay awood helaan halkoodii un kasii bilaabi ee barakicintii,boobkii iyo bahdilaad oodii un ubilaabaya islamarkaana ay ugu yaraan qolo walba waxii ay ugeysatay kaga go’aan qaataan oo haddii ay isqabtaana kaga faa’iideystaan oo kolba kii dhib ugeystay ee ay arkaan isaga oo la dhibayo ay si cad ugu wiirsadaan oo ugu qoslaan.

Wednesday, 7 October 2020

Wax ka ogoow Abaaleey iyo Asraarteeda.

Abaaley waa tuulo caan ah oo dhacda amaba kutaalla Xuduudka ay wadaagaan DalalkaSoomaaliya iyo itoobiya waxeyna  magaaladabaladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ah ujirtaa fogaan dhan 34 km.Waa dhul hodan ah oo Allekumannaystay kheyraad badan oo dabiici ah kuna habboon qodashada beeraha iyo dhaqashada xoolaha waxaana mara wabiga shabeelle oo kamid ah wabiyada ugu waawayn geeska Afrika waxaana ay deris la tahay oo haatan ay maamul ahaana hoos timaada Degmada Feer-feer oo qudheeda kubeegan xadka kala qeybiya Wadamada Soomaaliya iyo Itoobiya.Tuulooyinka Deefoow iyo Degmada Far-libaax ee Isla gobolka Hiiraan ayay sidoo kale xad la wadaagtaa oo Koonfur iyo Galbeed kakala Xiga.

Abaaley
Tuulo
Muuqaalka Abaaley.jpg
Muuqaalka Sare ee Abaaley.
Dalka Itoobiya
GobolkaShabeele
Dowlada
 • NuucaFederal
Bedka
 • Dhammaan20 km2 (8 sq mi)
 • Land5 km2 (2 sq mi)
Aag saacadeedUTC+3 (EAT)
Furaha251/252

Waa goob muhiim ah oo taariikhi ah maadaama ay dhacdo xadka labo dal kala qeybiya.Waxaa in yar un ujirta oo umuuqata buurta caanka ah ee Bur-dhiinle oo ah saldhig militari oo baaxad leh iyo goob taariikhi ah waxaana ay kamid ahayd meelihii ay Saameynta ballaadhan kuyeesheen dagaaladii udhaxeeyay Dawladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ee 1977-dii.Buur-Cukur ayaa iyaduna deris la ah oo ka xigta dhanka Waqooyi ee Degmada Mustaxiil.

Gal-cusbo oo ah xarun qadiimi ah laguna yaqaano Barashada Cilmiga Diinta ah ahaydna xaruntii ay kasoo aas-aasantay Xerta-ulamadoow ayaa iyaduna kutaala meel aan sidaa uga fogayn tuuladani Abaaleey.Sida lawada ogsoonyahayna Dadkeedu waa Xoolo-dhaqato-beeraley ay udheertahay dhigista iyo Barista Cilmiga Diiniga ah oo meelo dhaadheer ay dadku ugaasoo xereeyaan si ay uga faa’iideystaan Mashaa’ishtawaaweyn ee halkaa kusugan waxaana degta ama ay gaar utahay oo iska leh Reer Aw Xassan oo ah dad ku caan baxay Barashada iyo Faafinta DiintaIslaamka magac iyo maamuus ballaadhana ku dhex leh guud ahaan bulshada Soomaaliyeed meel kasta oo ay Dunida ka joogaanba aadna looga haybaysto.

Abaaleey waxa ay leedahay Dugsi Hoose-dhexe, Xarun Caafimaad ,Masjid weyn,Madaraso iyo Inbadan oo kamid ah Adeegyada Aas-aasiga ah ee bulshada sida;Jidadka Caadiga ah iyo Isgaadhsiinta waxaana ka shaqeeya Khadka labada Dal ee Soomaaliya iyo Itoobiya waana Xarun ganacsi oo isku xidha inta badan goboladaBariga iyo badhtamaha Soomaaliya iyo sidoo kale Gobolada Shabeelle iyo Qorraxey ee Dawlad Deegaanka Soomaalida iyada oo dalaga iyo waxsoosaarka Beeraha ee halkaasi kasoo go'a ay kutiirsan yihiin qaar badan oo kamid Bulshada ku dhaqan goboladaasi.Dadka reer Abaaleey ayaa ah kuwa Hormuud u ah nabadda iyo Xassiloonida deegaanadaasi waxaana ay kaalin muhiim ahi kaga jiraan sugidda amniga Xuduudaasi dheer ee labada dal udhaxeysa oo tan iyo waxii ka danbeeyay bur-burkii Dawladnimada Soomaaliyaay iyagu iskood uga shaqeeynayaan una xilsaarnaayeen.

Dhulka baaxadda leh ee ay Abaaleey ku fadhiso iyo qeybaha ay ka koobantahay amaba meelaha hoos yimaada ee ku xeeran waxaa kamid ah:-

•Burdhiinle.

•Taagga.

•Bardaalle.

•Xaaji Diini.

.Dareerto.

•Jiic.

•Asharaaf.

•Dhuumoodle.

•Jiiqda Abkay Cumar.

•Baarka Sooguday.

•Ceel Xaar.

•Libaaxyaale•

•Lo’-Daaq.

•Jabcadd.

•Dhagran•

•Dheenle.

•Janno-Adduun.

•Jilba-dheer.

•Afyaraado.

•Ceeblo-Kuuseey.

•Xanloow.

•Mandharuug.

•Allan.

•Kulanta.

•Af-dameer.

•Dhir iyo Daaq.

•Xero-Amxaaro.

•Iskaashatada.

•Garbaale iyo Qaar kale oo badan.


 ...Sii Arag...

Friday, 3 November 2017

MAXAA KU OGAYSIIYAY ALSHABAABKA IL MA ARAGTIDA AH?—MAQAAL.

AFEEF:-Dhammaan Maqaalada Ku soo baxa Boggan waxa ay ka tarjumayaan oo kali ah aragtida gaar ahaaneed ee Qoraaga ku saxiixan,mana jiro haba yaraatee wax xidhiidh ah oo kala dhaxeeyn karo siyaasadda guud ee Shabakadda  Warbaahinta Feer-feer Media Network(FMN).


MAXAA KU OGAYSIIYAY ALSHABAABKA IL MA ARAGTIDA AH?—MAQAAL.W/Q:-Cabdirisaaq Macalin Cilmi.
 
Marka ugu horeysa ee aad maqashid erayga "Alshabaab" waxaa laga yaabaa in judhiiba maankaada uu qalow kusoo dhaho hal Muuqaal oo muujinaya Nimman hubaysan oo howdka ku jira,hammigoodana yahay in ay adduunka oo idil xukunkiisa la wareegaan,islamarkaana heegan u ah  halaagidda cid walba oo ay u arkaan in ay ka hor immaanayso Mabaadii'da aas-aasiga ah ee ay iyagu aaminsan yihiin amaba aan ku aragti ahayn.

Sawirkaas midka ah ee ku hor immaanaya waxaad ka dhex arki kartaa Dhalinyaro xammaasadeysan, qaarkoodna aan fahan fiican oo ku filan ka haysan Shareecadda Islaamka oo u arka xalka kali ah ee Islaamku ku faafi karo inuu yahay midka ay iyagu hayaan.Waxii kasoo hadhayna ay yihiin gaalo iyo gaalo raacyo mudan in lagu jihaado amaba Mucaarad hubaysan oo kasoo horjeeda gebi ahaanba Nidaamka dawladnimo ee dunidan ka jira.

Waxaa kale oo maqalka magaca Alshabaab ku xasuusinayaa Qarax ama dagaal qasaaro badan geystay oo ay qaaday koox aad uqalabaysan si weyna loo soo qorsheeyay,oo ay dad badani ku qudh baxeen,kuwii weerarka qaadayna  aan lasoo qaban iyo mid kale oo laga cabsi qabo in ay soo agaasimmaan.

Laakiin intaas un ma ahan Alshabaabku oo waa ay ka guda weyn yihiin,ka gedisan yihiin oo ka galaan-gal badanyihiin.Si guud marka loo eegana;Alshabaabnimadu waa feker ay siyaalo kala duduwan u aaminsanyihin Dad aad ufara badan oo dunidan dacaladeeda ku kala baahsan,islamarkaana aan ku ekeyn inta duurka ku jirta,ee Afka duuban dabkana sidata.Alshabaabku ;Kuwaa la wada garanayo ee la aqoonsanyahay un ma ahee ;Waxaa jira nooc ka tiro iyo tayaba badan,halistoodu aan hadal lagusoo koobi karin.Waana qolada aan maqaalkan kooban ku iftiiminayo ee aan ugu magac daray",Alshabaabka il ma aragtida ah".
 

Haddaba,Maxay yihiin Alshabaabka aan la aqoon amaba il-ma aragtida ah?Adigase Maxaa ku ogaysiiyay?

 
 
Alshabaabka aan la aqoon ama ilma aragtida ah ee ay adagtahay in ay dadka caadiga ahi ogaadaan ma ahan kuwa meel dheer aan uraadinnaynno amaba astaamo gooni u ah oo dadka kale lagaga baadici karo leh.Se waa qeyb inaga mid ah,nagu milan,noo dhaw oo aan naga dheereyn ,na dhawranaya oo dhaq-dhaqaaqeena oo dhan la socda.Dal iyo Dibad ba waa ay joogaan.Waa ay wajiyo badanyihiin oo waqtiga iyo waayaha isla bed-bedelaan.Waxa ay ka mid yihiin;Ciidamada Dawladda, Shaqaalaha Rayidka ah,Culimmada,War-fidiyeenada,Bareyaasha, Ardayda, Ganacsatada,Gaadiidleyda ,Xirfadlayaasha Caafimaadka, Xoogsatada iyo Xammaaliga.
 
 
Waa cududda ugu weyn ee ay Alshabaab ku howlgasho kuna tashato oo ku taagantahay.Waxa ay uqaabilsan yihiin soo aruurinta dhaqaalaha ,Soo xuuraaminta Xogta,Soo xero gelinta taageerayaasha iyo soo wiideynta dadka iyo deegaanada lagu duulayo amaba iyaga looga soo duuli karo.Waxa ay ufududeeyaan howl-galadooda,Waxa ay wax ka dejiyaan oo talo iyo tusaalena ku biiriyaan qorshayaasha lagu shaqaynayo iyo qarashaadka ku baxayo.
 
 
Qaarkood waa qaadiyayaal dadka wax ukala xukumma,haa waa garsoorayaal loo gar dhigto oo lagu go'o.Dadka ayay wax ukala qaadaan iyaga oo adeegsanaya Isgaadhsiin ayna ciddi la ogayn oo iyaga ugaar ah,Maadaama ay shirkadaha isgaadhsiinta unugyo ku dhex leeyihiin.Badhkood baa dulaaliin ah oo bulashada wax ukala iibiya.In baa kaariyayaal ah oo la socda Magaalada waxa ka baxaya iyo waxa soo galayaba.Kuwa kale waa kalluumaysato halka tiro aan xadidnayna ay dhuxusha iyo dadka dhoofiyaan oo ay mukhalasiin amaba magafe yaal yihiin.
 
 
Kuwa maanta duurka ku jira;berri bay magaalada immaani oo ilma aragto noqon ileen ciddina ma aqoonsan karto oo afka ayaa uduubnaa intii ay dibadda ka dagaalamayeen.Dadkoodaa unbay dhinac ka raaci, dan kasta oo ay doonaana waa ay fushaynayaan iyagoon wax wal wal ah qabin ileen lamaba yaqaano oo wax xog ah horey loogama hayne.
 
 
Mar haddii ay arini sidaas tahay,sow la odhan karo aad iyo aad ayay u adagtahay in Al shabaab laga guulaysto iyadoo aan ugu horeyn la ogaanin,kadibna aan lasoo afjarin unugyada aas-aasiga ah iyo iniinyaha aan la arkaynin ee ay bulshada ku dhex leeyihiin.Si kasta oo cudud iyo ciidan badan oo la darbo oo loo durbaan tuntana iyaga unbaa cidhibta danbe leh,waayo dadbkii shidan ba iyaga dad baa oogu darsan.

Monday, 25 September 2017

Xeeladaha Xigashada .

Waa Maxay Xigasho?Immisa nooc ayeyse ukala qeybsantaa?
Xigasho;waa soo ergaysashada iyo adeegsiga odhaah ama qoraal aadan adigu lahayn si aad aragtidaada ama qoraalkaada aad ugu xoojisid.Xigashadu waxa ay kaa bad-baadinaysaa inaad ku dhacdid ama lagugu eedeeyo Qish(plagiarism)oo ah in qofku si sharci daro ah usheegto qoraal ama hadal aanu isagu lahayn .haddaba,qormadani kooban waxa aynu wax kaga iftiimi doonaa qeybaha iyo qaababka wax xigashada ay ledahay.Waxa jira fekrado iyo fahanno kala duduwan oo ay aqoon yahannadu kaga hadleen mowduucan isaga ah,balse si guud marka la iskugu soo xooraamiyo aragtiyada la xidhiddha xeeladaha wax loo xigto waxa ay iskugusoo biyo shubanayaan in xigashadu ay ukala baxdo laba nooc oo kala ah;-

Wednesday, 20 September 2017

6 Qodob oo kuu sahlaya in aad ku gacan-sareysid dood walba oo aad gashid.

Mid kamid ah xaaladaha nolosha ee ugu qiiro adag ayaa ah doodda.Ha ahaado qof aad jeceshahay,necebtahay,yasaysid ama aadan aqoonine,waxaa hubaal ah in doodu ay sare uqaadi karto wer-werka iyo cadaadiska dhiiggaada,xaraaro iyo xamaasadna kugu beeri karto.Waxa aad ubaahantahay degenaansho,debecsanaan, dulqaad iyo daliil adag si doodaadu u ahaato mid xikmad iyo xiiso xanbaarsan oo dadka soo jiidata.Waxaa kale oo xaqiiqa ah in Qof walba oo innaga mid ahi  uu aad unaawilo in uu noqdo doodaa aan la loodin karin oo aan marnaba laga libin helin.
Haddaba,waxa aan qormadan kooban haddii eebbe idmo ku qaadaa dhigi doonaa lix qodob oo uu kuu sahlaya inaad marwalba ku gacan sareysid doodaha aad galaysid.Lixdaasi qodob waxa ay kala yihiin;-
1.Ogoow xaqiiqadaada;-Inta aadan dooda galin is weydii oo aad ooga baaraan-deg  in waxani yihiin maalacyi aan meelna gaadhaynin lugo adagna ku taagnayn iyo in ay tahay dood dhab kudhisan,dhil-dhilan,dheelitiran oo dhamaystiran.Adeegso cadeymaha doodaada gun-dhigga unoqon kara oo idil.

Sunday, 13 August 2017

Qoraaga Boggan.

Waxa aan ahay nin dhalinyaro ah oo ku dhashay kuna soo bar-baaray degmada feer-feer ee kutaala xadka kala qeybiya labada wadan ee Soomaaliya iyo Itoobiya.Waxbarashadiaydii dugsiga hoose/dhexe iyo sareba isla degmadaas ayaan ku qaatay.Waxa aan cilmiga barenimda kaga qalin jabiyay kuliyada waxbarashada macalimiinta ee Dr Cabdimajiid Xuseen ee ku taala magaalada jig-jiga ee Xarunta Dawladaa Deegaanka Soomaalida Itoobiya sanadkii 2003dii.Kadibna Waxa aan barenimo muddo 8sanno ah kaga soo shaqeeyay deegaano badan oo katirsan dhulka ismaamulka Soomaalida Itoobiya.Intaa kadib waxa aan fursad uhelay in aan waxbarasho heer jaamacadeed ah ka helo jaamacada Haramaya University ee bariga Itoobiya,halkaas oo aan cilmiga maamulka iyo maareynta waxbarashada kaga soo qalin jabiyay sanadkii 2007dii.

Thursday, 10 August 2017

Taariikhda Degmada Feer-feer

Feer-feer (Af-IngiriisFer-Fer) waa magaalo ku taala Xadka kala bara labada wadan ee Itoobiya iyo Soomaaliya. Waxa ay uqeybsantahay Degmada Fee-feer ee Dawlada Deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo Degmada feer-feer ee Maamul goboleedka Hir-Shabeelle ee Dalka Soomaaliya. Magaalada FeerFeer waxay u dhowdahay gobolka Hiiraan, waxayna dhacdaa dhigta iyo loolka 05°05′N45°05′E. Guud ahaan, magaalada Feer-Feer waxay biyaha bada ka sareeysaa joog dhan 177 mitir.[1]

Lawadaag Axsaabtaada kale.