Sunday 13 August 2017

Qoraaga Boggan.

Waxa aan ahay nin dhalinyaro ah oo ku dhashay kuna soo bar-baaray degmada feer-feer ee kutaala xadka kala qeybiya labada wadan ee Soomaaliya iyo Itoobiya.Waxbarashadiaydii dugsiga hoose/dhexe iyo sareba isla degmadaas ayaan ku qaatay.Waxa aan cilmiga barenimda kaga qalin jabiyay kuliyada waxbarashada macalimiinta ee Dr Cabdimajiid Xuseen ee ku taala magaalada jig-jiga ee Xarunta Dawladaa Deegaanka Soomaalida Itoobiya sanadkii 2003dii.Kadibna Waxa aan barenimo muddo 8sanno ah kaga soo shaqeeyay deegaano badan oo katirsan dhulka ismaamulka Soomaalida Itoobiya.Intaa kadib waxa aan fursad uhelay in aan waxbarasho heer jaamacadeed ah ka helo jaamacada Haramaya University ee bariga Itoobiya,halkaas oo aan cilmiga maamulka iyo maareynta waxbarashada kaga soo qalin jabiyay sanadkii 2007dii.



Waxa aan lasoo shaqeeyay Qeybta Imtixaanaadka ee Xafiiska waxbarashada heer deegaan iyo kan heer federaalba.Waxaa kale oo aan laoo shaqeeyay Hay'ado waxbarasho oo gaar loo leeyahay sida Barkhadle Academy iyo Cumar bin khadhaab oo ku yaala magaalada jig-jiga ee Caasimada u ah DDSI.waxa aan socdaal ku tagay wadamo iyo magaalooyin badan oo dunida ah oo ay kamid yihiin:-Imaaraadka Carabta,Kenya,Itoobiya,Soomaaliya,Muzambique,koonfur afrika.Socdaaladaas oo aan waayo aragnimo aqoon aad u mug weyn kasoo faa'iiday.Waxa aan ku hadli karaa Afafka kala ah:-Af-ingiriisi,Af-Carabi,Af-Amxaari iyo Af-soomaali.

Dhanka Cilmiga diiniga ah waxa aan wax ka akhristay mashaa'ikh fara badan oo uu ugu mug weyn yahay Sheekh Xaaji Khaliif(AUN).Waxaa Barashada Qur'aanka iigu Macalin ahaay Macalin Xuseen Macalin Ibraahin Oo loo yaqaano baxar.Aabahay oo ahaay macalin Qur'aan iyo Hooyadeey Saxan Sheekh Cusmaan labadooduba Alle(swt) naxariistiisa ha uwaasiciyee waxa ay ku dadaali jireen siddii aan waxbarashada meel fiican uga gaadhi lahaay waana ay ku guulaysteen dadaalkaasi dheeraa ee ay sameeyeen.Alle(swt)waxa aan uweydiinayaa danbi dhaaf iyo darajo dheeraad ah.

Haatan waxa aan ahay ganacsade ku dhaqan dalka Koonfur Afrika.Waxa aan xiiseeyaa qoraalka iyo akhrinta.Waxa aan mar walba jecel ahay in aan akhriyo qoraalada qiimaha kale ee adduun iyo aakhiraba i anfacaya. Waxa aan ahay qoraa iyo falanqeeye arimaha siyaasada geeska afrika ah.Waxa aan si gaar ah wax ugu qoraa bogga aan kuleeyahay Internetka ee http://cabdirisaaqcilmi.blogspot.co.za/ iyo sidoo kale Akoonkayga gaarka ah ee baraha bulshada sida facebook-ga https://www.facebook.com/Cabdulrazaaq.Barta Wikipedia-ga ayaan sidaa oo kale si joogto wax ugusoo kordhiyaa ama qoraaladiisa ka qeyb qaataa.Nigaxan ayaad ka eegi kartaa ka qeybgalkeyga iyo Qoraaladeydaba.
Waxa aad iga lasoo xidhiidhi kartaa E-mailka ah:-Abdurazakelmi@gmail.com.

1 comment:

ibnulugaas said...

Masha Allah walaal waa dadaashay si wayn

Lawadaag Axsaabtaada kale.